Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa waxay sheegayaan in guddida doorashada dalkaasi ay shaaciyeen goobaha doorashooyinka baarlamaanka dawladda dhexe ee dalkaasi.

Xafiiska guddida doorashada oo kuyaal magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goobaha doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul-magaalo ee dalkaasi Itoobiya, iyadoo shaacintaasna ay goobjoog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda iyo wakiillo iyagu ka socday bulshada rayidka ah ee dalkaasi Itoobiya. 

Guddida doorashada dalka Itoobiya waxay soo bandhigeen Map-ka amaba khariiradda goobaha doorashooyinka, kuwaas oo ay tiradoodu dhan tahay 547 goobood.

Iyadoo deegaannada sagaalka ah iyo labada ismaamul-magaalo ay u kala heleen kuraasta sida tan:

  • Deegaanka Oromada: oo ah kan ugu ballaadhan waxa uu helay 178 kursi
  • Deegaanka Amxaarada: 138 kursi
  • Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi
  • Deegaanka Tigreeda: 38 kursi
  • Deegaanka Soomaalida: 23 kursi
  • Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi
  • Deegaanka Canfarta: 8 kursi
  • Deegaanka Gambeella: 3 kursi
  • Deegaanka Harerida: 2 kursi
  • Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi
  • Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya gabadha magaceeda layidhaa, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ay warbaahinta u sheegtay in gooban doorashooyinka ee ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo bay tidhi aanay waxba ka badelin.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Itoobiya, waxay sheegtay oo kale in goob-doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay sannadkii 1984, inkasta oo goob-doorashooyinka Itoobiya laga dhaqan geliyay sannadkii 1993-kii.

Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa hore u dalbaday in 7 xubnood lagu biiriyo 23 xubnood ee ay hore u lahaayeen, iyagoo ku sababeeyay korodhka tirada dadka ee gobolka kunool, marar hore ayay xukuumadda gobolka Soomaalidu muujisay dareenkeeda ku aaddan kuraasta ay ku leedahay golaha shacabka ee dalkaasi Itoobiya. 

 

 

 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga