Madaxa haayadda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom, ayaa waxaa uu sheegay in qaaradda Yurub ay imika noqotay xudunta xanuunka Coronavirus.

Haayadda caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loogu yeedho WHO, ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in qaaradda Yurub ay noqotay xuddunta xanuunkan iyadoo dalal badan oo kuyaalla qaaradda Yurubna ay la tacaalayaan xanuunka iyagoo qaaday tallaabo walba oo ay ku xakamayn karaan cudurka sida xidhidda xuduudaha, xakamaynta dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo kor u qaadidda xaalad-caafimaad oo degdeg ah. 

Haayadda caafimaadka adduunku waxay sheegtay in tirada dadka u geeryoonaya Coronavirus iyo dadka uu asiibayaaba ay kor usii kordhayaan guud ahaan qaaradda

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa WHO ayaa sheegay in qaaradda Yurub laga soo sheegayo “kiisas iyo dhimasho ka badan isu-geyn dunida inteeda kale, marka laga tago dalka Shiinaha.’’

Mr. Tedros, ayaa waxa uu ku tilmaamay “dhacdo naxdin leh”, isaga oo sheegay suurtagal la’aanta ah in la sheego goorta uu fayrasku hoos u dhici doono adduunka oo dhan.

 Tan iyo intii uu ka dillaacay cudurka Coronavirus, magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, in ka badan 143,000 oo kiis kuwaas oo ah bukaano uu haleelay ayaa laga soo kala sheegay  135 dal sida qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka uu cudurkani dilay oo marba marka aka danbeysa sii kordheysa, ayaa haatan mareysa in ku dhow 5,500 oo qof sida ay qortay Voice of America oo uu Saab TV soo xiganayo.

Wadamada uu cudurkani dhibaatada ugu daran ku hayo, ayaa kala ah Shiinaha oo ay ku geeriyoodeen 3,176 qof, Talyaaniga oo ay ku geeriyoodeen 1,266 qof iyo Iran oo ay ku geeriyoodeen 611 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga