Diyaarad si toos ah uga duushay imaaradaha midoobay ee Carabta ayaa ku degi doonta Salaasada maanta ah gegida diyaaradaha ee magaalada Tel Aviv, taasi oo la sheegay inay u siddo Falastiiniyiinta daanta galbeed iyo marinka Qasa ee la go’doomiyay gargaar caafimaad, sida uu qortay mareegta Online-ka laga akhristo ee Middle East Eye.

Diyaaraddani, ayaa noqonaysa tii labaad ee ka duusha Abu Dabay toosna u tagta Israel, muddo hal bil ka yar, taas oo muujinaysa wanaag xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Duulimaadyada ay diyaaradaha Imaaraadku ku tegayaan Israa’iil, ayaa waxaa isku duba-ridda wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil iyo maamulka rayidka daanta galbeed ee la haysto.

Waxay ahayd bishii May, markii diyaarad xamuulka qaadda oo ay leedahay shirkadda Etixaad ay ka duushay Abu-dabay iyadoo ku degtay Tel Aviv taas oo u sidday sida la sheegay gargaar bini-aadanimo Falastiiniyiinta si ay ula dagaallamaan faafista xanuunka Covid-19, duulimaadkaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee toos ah oo la shaaciyo.

Imaaraadka carabta, ayaa eedayn culus kala kulmay dalal badan iyo haayadaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sheegay in gargaarka uu Imaaraadku u marinayo Falastiiniyiinta Israa’iil ay ka dhigan tahay cadowgoodii oo caawimaadii loogu dhiibay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga