Faransiisku wuxuu sheeganayaa in uu dilay hogaamiyaha Daacish ee gobolka Saxaraha Afrika kadib dagaalo ka dhacay gobolka.

Cadnaan abu Waliid alSaxraawi wuxuu sanadkii 2015 ka sameeyay gobolka Saxaraha Afrika ururka Daacish faraciisa halkaas ka hawlgala, iyadoo dagaalo ay la galeen ciidamada kala duwan ee dawladaha gobolka iyo kuwa Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron oo warkan sheegay wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay dileen hogaamiyaha Daacish ee Saxaraha Afrika.

Wuxuu ku tilmaamay dilka alSaxraawi mid ka  mid ah guulaha ugu waawayn ee ay ka gaadheen dagaalka Saxaraha.

Wasiirka Difaaca ee Paris, Florence Parly, waxay tibaaxday in duqayn lagu dilay Cadnaan alSaxraawi, duqaynta oo ay fuliyeen ciidamada hawlgalka Barkhane oo ka hawl gala wadamada Mali, Chad, Burkinavaso, iyo Niger.

Daacishta Saxaraha ayaa inta badan sheegata masuuliyadda weerarada gobolka ka dhaca, oo ay ka mid ahaayeen weerarkii sanadkii 2020 lagu qaaday shaqaale Faransiis ahaa oo la dilay xili la sheegay in ay wadeen hawlo gargaar.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo lagu beeninayo ama lagu xaqiijinayo warka Faransiiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga