Robert Mugabe, madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe, oo maalintii jimcaha ahayd geeriyooday ayaa lagu yaqaanay hadalada kaftanka ah, isagoo marar badan shirar caalami ah ka yidhi weedho aan laga filayn.

XUKUNKA IYO WADDANIYADDA

“Kaliya Ilaahay ayaa xukunka iga tuuri kara aniga, ma jirto cid kale oo xafiiska iga eryi kartaa” wuxuu yidhi sanadkii 2008.

“Afrika waa inay ku noqotaa sidii ay ahaan jirtay gumaystaha ka hor, waxay ina kala dhex-dhigeen xuduudo aan jirin” sanadkii 1962.

GUURKA ISKU JINSIGA AH

Waa in aynu diidnaa waxa ay ugu yeedhayaan xuquuqda dadka, ee dhaawacaya sharafteena, dhaqankeena iyo waxaynu aaminsannahay” sanadkii 2015.

“Waxaan waydiiyay in ay kusoo dhasheen sidan? Waa maya. Waxay ku leeyihiin John oo John guursanaya. Mariya iyo Mariya guursanaysa. Wax la aqbali karo maaha, oo xataa waxay ka liitaan xayawaanka, oo lab iyo dhedig isku yaqaana” sanadkii 2015.

HITLER, HOGAAMIYIHII JARMALKA

“Wali waxaan ahay Hitler-ka qarnigan. Hitler wuxuu lahaa hal aragti oo ah xornimada, xuquuqda iyo madaxbanaanida dadkiisa. Hadii uu sidaa ahaa, anna waxaan ahay Hitlerka maanta” sanadkii 2003.

MADAXWEYNAYAASHII MARAYKANKA

Bush: “Bush taariikhda hasoo akhriyo. Wuxuu madax ka yahay waddan ay xadaradiisu ku dhisantahay gumaysi, qabsasho/duullaan, iyo in wax la laayo. Waxba kama yaqaano xuquuqda aadamaha” sanadkii 2007.

Obama: “imika ayaan soo dhammaynayaa, hadii uu Obama yidhi ha lays guursado anna isaga ayaan rabaa oo Washington ayaan u socdaa” sanadkii 2015.

NABI CIISE

Waxaan dhintay marar badan, taasna waa sababta aan xataa uga duwanahay Ciise, waayo isagu mar kaliya ayuu dhintay wuxuuna soo noqonayaa mar kaliya” dhalashadiisii 88-naad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga