Xasan Cali Khayre, raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya, ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay safiirada wadamada shisheeye u jooga Soomaaliya, iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha waddanka. Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku weheliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada deegaanadaas.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed. Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dedaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga