Amnesty international, oo ah haayadda u doodda xuquuqda aadamaha, ayaa maanta soo saartay warbixin ay kaga warramayso dhibaatooyinka ay la kulmaan weriyeyaasha Soomaaliya iyo qaabka ay ula dhaqanto dawladda Soomaaliya.

Warbixinta ay Amnesty soo saartay ayaa waxaa cinwaan looga dhigay “Waxaannu ku nool nahay cabsi aan dhammaad lahayn” hadalkaas oo ay Amnesty kasoo xigatay weriyeyaal ay haayaddu la hadashay.

Warbixinta ay soo saartay Amnesty international ayaa qodobada ugu doorka roonaa waxaa kamid ah inay weriyeyaashu marka ay u baahdaan masuuliyiinta dawladda si ay ugu gudbiyaan cabashada dadka ka cabanaya ay waayaan masuuliyiintii ay xogta uga baahnaayeen taasoo suxufiyiinta ku kallifta inay sii daayaan wararkaas kadib ay masuuliyiintu dib u raadiyaan si ay uga hadlaan.

Warsaxaafadeed ay dowladdu kaga jawaabtay ayay ku sheegtay sidan: 

Dowladdu waxay si buuxda uga warqabtaa masuuliyaddeeda ah difaacidda xuquuqda qof kasta oo xor ah iyo amniga shakhsiga”.

Haayadda Amnesty international ayaa mar ay ka hadlaysay baraha bulshada iyo suxufiyiinta Soomaaliya waxa ay sheegtay in weriyeyaal badan oo ka shaqeeya Soomaaliya  aanay ahayn xirfadla-yaal, halka ay ka sii dareyso halista ay iyaga iyo warbaahinta kale wajahayaan.

Warbixin, ayay Amnesty international waxa kale oo ay ku xustay in dowladda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo si wayn u adeegsatay baraha bulshada si ay u maareyso waxa bulshadu ay ka doodayaan iyo sheekooyinka, iyadoo xustay in sidoo kale in shuruucda iyo agandaha siyaasadda dowladda ay ku baahiyaan baraha bulshada.

Hay’adda Amnesty International waxay sheegeysaa in “dowladda Soomaaliya ay sameysatay koox la socota baraha bulshada oo ku sugan xafiisyada bay yidhaahdeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo sida ay sheegtay sidoo kale la socda warbixinnaha dowladda dhaliilaya”

Gebagabadii haayadda Amnesty international waxay beesha caalamka ka dalbatay in “dowladda Soomaaliya ku cadaadiyaan xushmeynta, difaacidda., horumarinta iyo fulinta madaxbannaanida warbaahinta, xuquuqda saxafiyiinta, ololeeyayaasha, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dadka kale ee u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga