Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa cudur-daar iyo raalligelin ka bixiyay dhibaatadii ku dhacday dadka reer Somaliland xilligii dawladdii Militariga ahayd ee Soomaaliya sannadkii 1988-kii.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ka warramay taariikhdii xornimada iyo midowgii labada Dal ee  ee ay kala haysteen Ingriiska oo Somaliland ay ku hoos jirtay iyo Talyaaniga gumaysan jiray Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, wuxuu dadka reer Somaliland ku amaanay waddaniyad, dal-jacayl iyo midnimo jacayl, balse buu yidhi la joogo xilligii la dhayi  lahaa boogihii ka dhashay maadaama aanay qabiil shaqo ku lahayn ee uu nidaam gaystay wixii ka dhacay gaar ahaan Hargeysa sida uu sheegay.

Madaxwayne Farmaajo, ayaa hadalkanka sheegay shir-sannadeedka garsoorka Soomaaliya, hadalkiisa ayaa imanaya saddex sanno oo uu ahaa madaxwaynaha Soomaaliya, kaasoo haba-yaraatee aanay wax wada hadal ahi dhex marin Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga