Go’aanka Mareykanka Ee Ah In Laga Baxo Heshiiskii Nukliyarka Iran, Ayaa Caqabad Siyaasadeed Ku Naqonaysa Dawladda Ciraaq,

Dalka Ciraaq Ayaa Doortay Gole Baarlamaan, Doorashadii Ugu Horreysay Ee Dalkaasi Ka Dhacda Sabtidii, Tan Iyo Markii Laga Adkaaday Ururka Isku Magacaaba Dawladda Islaamka Ee Daacish Sannadkii Hore, Khabiiro Dhanka Siyaasadda Ah Ayaa Sheegaya In Maraykanka Iyo Iran Saamayn Siyaasadeed Ku Lahayeen Dalka Ciraaq Dhowrkii Sano Ee La Soo Dhaafay,

Inkastoo Maraykanka Uu Taageersan Yahay Xukuumadda Ra’Iisal Wasaaraha Haider Al-Abadi, Haddana Iran Waxa Ay Taageertaa Shakhsiyaadka Shiicada Ah,

Sida Laga Soo Xigtay Khabiiro, Maraykanka Iyo Iran Saamaynta Ay Ku Leeyihiin Dalka Ciraaq Waxay Dib U Soo Celin Kartaa Weerarradii Maraykanku Hogaaminayey Ee Sanadkii 2003-Dii, Taasoo Xilka Lagaga Xayuubiyay Madaxweynihii Hore Saddam Hussein.

Mareykanka Ayaa Magacaabay Nouri Al-Maliki – Oo Ah Siyaasi Shiici Ah, Kaas Oo Bartilmaameedsanayay Sunniyiinta Muddadii Uu Xilka Hayay Isaga oo Ah Ra’Iisul Wasaare, Taasoo Horseed U Naqotay Dagaal Sokeeye Oo Sababay Barakaca In Ka Badan Hal Milyan Oo Reer Ciraaq Ah Intii U Dhaxaysay 2006 Iyo 2008.

Doorashada Sabtidii Waxaa Loo Arkayay Inay Ka Duwan Tahay Kuwii Hore, Sababtoo Ah “Arrimaha Gobollada Ayaa Kaalin Muhiim Ah Ka Ciyaaraya Kuwa Maxalliga Ah,

Ciraaqiyiinta Ayaa Ka Baqaya in Xidhiidhka U Dhexeeya Maraykanka Iyo Iran ay Halis Ku Yihiin Isku Dayga Koowaad Ee Waddanku Abuurayo Dawlad Qaran Oo Ka Soo Horjeeda Kala Qaybsanaanta, iyo Colaadaha Oo Mudooyin Badan Ragaadiyay Dalkaasi.

Aymen Jawad Al-Tamimi, Oo Ah Falanqeeyasha Siyaasadda Dalka Ciraaq Ayaa Sheegay In Dawladda Maraykanka Ay Muhiim U Tahay In Ay Saamayn Ku Yeelato Ciraaq Si Ay Uga Hortagaan Saamaynta Iiraan.”

Waqtigii Hore, Mareykanka Ayaa U Muuqday Mid aan Qiimayn Jirin Saameynta Iran Ay Ku Leedahay Dalka Ciraaq, Laakiin Mustaqbalka Dhaw, Ciraaq Waxaa Lagu Qasbi Doonaa In Ay Doortaan Midka Ay Isbahaysi La Yeelanayso, Labada Dal,

Mahjoob Zweiri, Oo Ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-Baadhista Gacanka Ee Jaamacadda Qatar, Ayaa Sheegay In Iran Ay Hore U Bilaabatay In Ay Saamayn Xoogan Ku Yeelato Siyaasadda Dalka Ciraaq,

“Iran Waxa Ay Isku Dayeysaa In Ay Fariin Cad U Dirto Mareykanka Haddii Uu Maraykanu Doonayo In Iran Cadaadis Uu Ku Saaro Heshiiska Nukliyeerka,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga