Warar Naga Soo Gaadhaya Magaalada Beledweyne Ayaa Sheegaya In Ugu Yaraan Toban Ruux Ku Dhinteen Xaafadda Xaawo –Taako, Kaddib Markii Ay Gadoodtay Gagaf Ay La Socdeen Dad Isaga Kala Gooshay Magaalada Oo Mar Kale Ay Daadad Ku Dhufteen.
Wariyaha Saab Tv Ee Magaaladda Baladwayne Ayaa Sheegay In Dadka Dhintay Uu Ka Mid Ahaa Sheekh Si weyn Looga Garanayay Magaalada Oo Lagu Magacaabo Sheekh Suleymaan Kana Soo Jeeda Qowmiyada Oromada,
Dadka Saarnaa Gaaadhiga Oo Ka Badnaa Ilaa Konton Qof Ayaa Ka Yimid Deegaanka Loo Barakacay Ee Ceeljaale Iyaga Oo Ku Sii Jeeday Qeybaha Kale Ee Magaalada.
Waxaa La Rumeysan Yahay In Ay Jiraan Dad Ku Hoos Jira Cagafta Ku Gadoontay Buundada, Waxaana Soconaya Gurmad Xoog Leh Oo Loo Fidinayo Dadka Ay Wax Yeeladu Soo Gaadhay.