Wiil Soomaali ah ayaa aabihii oo xanuusanaya ku dilay magaalada Hamburg ee waqooyiga waddanka Jarmalka.

Aabaha uu wiilku dilay ayaa la sheegay in uu xanuusanayay in muddo ah, iyadoo dhawaan kasoo guuray waddanka Sweden, isla markaana degay magaalada Hamburg.

Wali lama sheegin magacyada dhabta ah ee wiilka iyo aabihii, balse Soomaalida magaalada deggen ayaa warbaahinta u xaqiijiyay falkan oo dhacay shalay galinkii danbe.

Wiilka ayaa la sheegay in aanu maankiisu joogin xiliga uu aabihii dilayay isagoo adeegsanaya toori. Odayga ayaa u sheegay wiilka in uu xanuusanayo isla markaana uu isagu kasoo raagay, intaa wixii ka danbeeyayna uu bilaabay in uu toori la dhaco illaa inta uu ka dhimanayay.

Dhacdada ayaa imika la baadhayaa, waxaana socda baadhitaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sida ay wax u jireen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga