Shirkada diyaaradaha ee Delta airlines isla markaana laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ka dhacday dhacdo layaab leh kadib markii midka mida rakabkii saarnaa diyaaradaasi la siiyay xabad tufaax ah iyo cunooyin fudfudud si ay u quudato inta ay ku guda jirto safarkeeda.

Haweenaydan oo lagu magacaaba Crystal Tadlock ayaan cunin tufaaxaasi oo waxa ay ku xaraysatay boorso ay sidatay.
intaasi kadib markii ay  soo gaadhey garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis waxa halkaasi ku baadhay ciidanka ilaalada xuduuda iyo kuwa ka socday cashuuraha iyagoo shandadeedi ugu tagay tufaaxi isla markaasina waxa ay ku ganaaxeen in ay bixiso lacag dhan shan boqol oo doolarka maraykanka ah .

Markii ay wax ka waydiisay sababta loogu ganaaxay lacagtan intan leeg waxa ay  ugu jawaabeen in lagu soo rogey amar qeexaya in aan lala safri karin  dhamaan wixii ka soo baxa beeraha, waxa ayna u sii raaciyeen in ay haysatay laba doorasho oo kale ah in ay cunto ama in ay iska tuurto.

Balse gabadhani ayaa tilmaantey in ay ugu talagashay in aanay cunin tufaaxaasi ilaa inta ay ka gaadhayso magaalada Denver ee caasimada gobolka colorado ee dalka maraykanka, waxa ayna ku adkaysatay in ay arintan u gudbinayso maxakmadda isla markaasina aanay si fudud u aqbalayn ganaaxani, waxa ayna tidhi “waa nasiib daro in xabad tufaaxa oo aan cuni waayey laga dhigo fal dambiyeed oo ganaaxa intaa leeg la i dul saaro “

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga