Subaxnimadii hore ee saaka Koonfurta Kuuriya waxa ay gabi ahaanba bakhtiisay codadkii iyo daacayadihii ay u marin jirtey waqooyi kuuriya sameecado waawayn oo ay ku rakibtey xuduudka ay la leedahay waqooyiga.
Koonfurta kuuriya ayaa ku leh xuduuda u dhaxaysa labada dal tiro aad u badan oo sameecado codkoodu aad u dheer yahay ah, kuwaasi oo ay u adeegsato tabinta iyo baahinta wararka ay ku dhaleecaynayso isla markaana ku cambaareynayso kuuuriyada waqooyi.
tabintan oo ay dhagaystaan ciidamada jooga xuduudka labada dal iyo dadka shicibka ah ee ka agdhaw goobtani.


Sidoo kale waqooyiga kuuriya iyana waxa ay leeyihiin sameecado lamid ah kuwan koonfurta isla markaana ay ku cambaareeyaan kuuriya konfuureed iyo xulafadeeda.
balse lama hubo in kuuriya waqooyi iyaga laf ahaantoodu ay raaci doonaan talabaadani oo ay damin doonaan sameecadahaasi.
Kuuriyada koonfureed ayaa tilmaantay daminta sameecadahani in ay wax wayn ka tari doonto si ay u furmaan wadahalada u dhaxeeya labadan dal kuwaasi oo furmaya jimcaha soo socda.
Wadahadalan hadii lagu guulaysto ayaa lafilayaa in ay damin doonaan xiisada sii huraysay mudooyinkii u dambeeyay ee u dhaxaysay labadan dal.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga