Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax ka dhacay Xarunta Ilaalada Canshuuraha degmada Xamar Jajab, taaasi oo ku taalla magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka, ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan hal ruux ku geeryooday, kaas oo ahaa darawalkii waday  baabuurka is qarxiyey, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 askari oo ka tirsanaa ilaalada goobta.

Warbaahinta Muqdisho ayaa qoray in dadka dhaawacmay ay ku jirtay haweenay.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga