Hargaysa:(SAABTV)- Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,Maxamed Cismaan Fadal,kana mid ah aqoon-yahanka daraasadeeya Siyaasadda Somaliland,ayaa sheegay in Dooda adag ee wakhti xaadirkan ka taagan saami-qeybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliland ay ka dhalatay gaabis-masuuliyaddeed oo ay muujiyeen Haay’addihii ku shaqadda lahaa,gaar ahaana Gollahayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Dr. Fadal,waxa uu ka garaabay inay jirto dheeli baaxad leh oo la deris ah Haay’addaha Dawladda,iyada oo aan loo qeybin Kuraasta iyo Kheyraadka Dalkaba sidii ugu hobaanayd.

aqoon-yahanka iyo fallan-qeeyayaasha Siyaasadda ayuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen fur-furista iyo tilmaamidda arrimaha masiiriga ah ee taabayana Korniinka Dimuqraadiyadda ee ay ka qaadan jireen marka uu yimaado Dabac iyo Xil gudosho la’aan haaya’addaha Dawladda.

Qadiyadda Saami-qeybsiga,ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasin haatan hor-yaalla Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga