Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa safar ugu baxay waddanka Ruushka iyadoo la filayo in halkaas uu shir kaga qayb galo, sida ay ku warantay madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa ka qayb galaya shirka iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo ka dhici doona magaalada Ruchi ee ku taala xeebaha badda Madaw, iyadoo halkaa arimo badan lagu lafo guri doono.

Farmaajo ayaa la rejaynayaa in uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda Afrikaanka ah ee shirka ka qayb galaya iyo madaxda waddanka Ruushka oo shirkan marti galinaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga