Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa ku warramaya in diyaarad sidday illaa 45 qof oo rakaab ah, taas oo kasoo kacday caasimadda dalka Kiiniya ee Nayroobi, ay shil ku gashay degmada Ceel-waaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Inkasta oo warar faahfaahsani aanay kasoo bixin, ayaa haddana waxaa lagu warramayaa inay ku dhaawacmeen 7 qof, iyadoo uu dhibaato soo gaadhay diyaaraddii.

Ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay sida dhab ahaantii shilku u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah illaa haatan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga