Diyaaraddan oo ay sameeyeen koox dhaliyaro koonfur-afrikaan ah ayaa si nabdoon u caga dhigatay magaalada qaahira ee dalka masar, kadib socdaal ay kagasoo kicitintay magaalada capeton ee koonfur afrika.

Socdaalka diyaaraddan yar ayaa qaatay muddo li maalmood ah, iyadoo lagu farsameeyay gudaha koonfur afrika.

Diyaaraddan ayaa ah nooca loo yaqaano sling4 oo leh afar kursi. Waxaana isku ururiyay oo dhisay koox dhalinyaro ah oo ka kooban 20 arday, oo waliba bartay culuum kala duwan.

Diyaaradda ayaa jartay 12kun oo km, iyadoo kusii nasatay wadamada, namibia, malawi, ethiopia, zanzibar, tanzania, iyo uganda.

Duuliyaha diyaaradda oo ahayd gabadh yar oo 17 jir ah, laguna magacaabo megan werner, ayaa guushooda kadib sheegtay in aad ugu faraxsantahay in ugu danbeyntii ay soo gaadhaan magaalada qaahira ee dalka masar. Kadib safarka dheer ee ay kusoo galeen diyaaraddan ay iyagu farsameeyeen.

Waxay intaa ku dartay in ujeedadoodu ay ahayd in dadka reer afrika ay tusaan, in wax waliba ay suurta-gal yihiin hadii ay iyagu dhexda u xidhaan.

Kooxda dhalinyarada ah ayaa samayta diyaaradda ku dhamaystiray muddo 3 todobaad ah. Iyagoo isticmaalaya warshad ay leedahay shirkadda airplane factory ee fadhigeedu yahay magaalada johanisberg.

Sheekada da’yartan reer koonfur afrika ayaa lagasoo dhaweeyay meelo badan ooo ka mid ah qaaradda afrika, iyadoo bar-bilaw wanaagsan u noqon karta dhalinyaada qaaradda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga