Ankara, (SAABTV) – Turkiga ayaa maanta uga digey Mareykanka in uu qaado
‘tallaabooyin qaldan’ kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee
Mareykanka ay sheegtay in ay cawaaqib xun ka dhalan doonto haddii Ankara
ay ka soo iibsato Ruushka nidaamka gantaalada difaaca ee S-400.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu yidhi,
“Waxaan ugu baaqeynaa Mareykanka in uu ka fogaado in uu qaado
tallaabooyin qaldan, taas oo meesha ka saareysa diblumaasiyadda iyo wada
hadal, islamarkaasina dhaawaceysa xidhiidhka.”

Arrintani ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanku uu soo cusbooneysiiyay
digniintiisa ku wajahan Ankara, oo ay sheegeen in ay jiri doonto cawaaqib xun
oo dhab ah, haddii ay Ankara soo gaba gabeyso soo iibsashada gantaallada S-
400.

Morgan Ortagus oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda
Mareykanka ayaa sheegtay in cawaaqibta ka dhalan doonto arrintaasi ay ku
jirto ka qeyb qaadashada barnaamijka f-35.

Waxa ay sheegtay in Turkigu uu si buuxda ula socdo in uu ka hor imanayo
sharciga cunaqabateynta Mareykanka, kaas oo Congress-ka uu meel mariyay
2017-dii. Sharcigaasi oo cuna qabateyn ku soo rogaya cid kaste oo hub ka soo
iibsata Ruushka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegey bishii hore mar
uu la kulmay dhiggiisa Mareykanka, Donald Trump, in Turkiga uu kalsooni
buuxda ka qabo in aan cuna qabateyn loo saari doonin soo iibsashadooda S-
400.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga