Illaa 8 qof ayaa ku dhintay halka boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen gaas ka qubatay warshad walxaha balaastiga lagu farsameeyo oo ku taala koonfurta dalka India.

Boqollaal qof ayaa cisbitaalada loo qaaday magaalada Visakhaptnam kuwaas oo qaarkood ay gaastu naqaska ku dhajisay halka kuwo kalena ay indhaha ka wax yeelaysay.

Wali lama oga waxa dhaliyay dhacdadan iyadoo saraakiishu ay sheegayaan in ay wadaan baadhitaano.

Dalka India ayaa leh taariikh murugo badan marka ay timaado gaasta warshadaha ka fakataa. Sanadkii 1984kii ayaa warshad ku taala magaalada Bhopal ay ka baxday walax kimiko ahi. Kumanaan qof ayaa ku dhintay iyadoo 35 sanno kadib ay dadka deegaanku sheegayaan in caruurtoodu ay dhashaan iyadoo laxaadkoodu uu kala dhimanyahay, waxayna u sababaynayaan dhacdadaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga