Dawladda Shiinaha ayaa Axadda maanta sheegtay in ay kor u sii kacayaan dadka laga helayo caabuqa Coronovirus ee mudada yar ku laayay in ka badan 1000 qof. Saraakiisha caafimaadka ayaa xusay in 2,009 kiis oo cusub ay diwaan galiyeen maanta, iyo waliba 142 dhimasho ah oo cusub iyaguna.

Bilowga todobaadkan ayaa la modoayay in uu hoos u dhac ku yimi faafidda xanuunka, balse maanta ayuu haddana kor usii kacayaa.

Tirada guud ee dadka uu saameeyay ayaa gaadhaya 68,000 oo qof iyadoo tirada dhimashaduna ay kor u dhaafayso 1,600 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga