Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta waddanka Yemen ayaa sheegtay in ay soo rideen mid ka mid diyaaradaha dagaalka Sucuudiga oo maraysay hawada dalkooda.

Is-bahaysiga Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saareen ku cadeeyay in mid ka mid ah diyaradahooda ay kusoo dhacday gudaha Yemen, xili ay taageero siinaysay xoogag dawladda ay aqoonsanyihiin.

Warkan ayaa imanaya xili ay Qaramada Midoobay sheegtay in duqaymaha dawladda Sucuudiga ay ku dhinteen dad gaadhay 31 qof, maalintii Sabtida oo kaliya.

Diyaaradda ayaa ku burburtay deegaan u dhaw xadka uu Sucuudigu la wadaago dalka Yemen oo lagu magacaabo alJawf, iyadoo aanay wali dawladda Sucuudigu wax faahfaahin ah ka bixin waxa sababay iyo khasaaraha soo gaadhay labadaba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga