A worker in protective suit takes body temperature measurement of a woman inside the Shanghai Stock Exchange building, as the country is hit by a novel coronavirus outbreak, at the Pudong financial district in Shanghai, China February 28, 2020. REUTERS/Aly Song TPX IMAGES OF THE DAY - RC2H9F9NJ06T

Qiimaha suuqyada dunida ayaa hoos u dhacay saacadihii lasoo dhaafay, iyadoo laga cabsi qabo in dhaqaalaha dunidu uu si wayn hoos ugu dhaco todobaadada soo socda, hadii aan xal loo helin xanuunka Coronavirus.

Suuqyada saamiyada ee qaaradda Asia ayaa hoos u dhacay illaa 2.5%, iyadoo ay hoos u socdaan.

Caabuqa Coronavirus ayaa wali kusii fidaya qaybo badan oo dunida ah, xili wali aan la helin tallaalka rasmiga ah ee caabuqa si loo xakameeyo faafidiisa.

Shiinaha oo ganacsi ballaadhan la leh qaar badan oo ka mid ah wadamada qaaradda Asia iyo Afrika ayaa wax-soo-saarkiisu uu hoos u dhacayaa hadda madaama la xidhay suuqyo badan isla markaana la xadiday isu socodka dadka.

Bagaashka iyo shixnadaha kale ee ka iman jiray Shiinaha ayaa meelo badan gabaabsi ah, taas oo suuqyada ku keenaysa in qiimaha alaabtu uu kor u kaco.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga