Warar nagasoo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho Gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontarool Muqdisho ee Wadada Afgooye.

dad ka ag dhawaa Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya, in gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu Qaraxa Gaystay.

Wararka ayaa sidoo kale shegaya in Rag saarnaa Gaadhiga Qarxay iyo Ciidamadda Amaanku ay Halkaasi Rasaas isku Waydaarsadeen, kadib markii Bambooyin ay kasoo tuureen rag saarnaa oo rabay in ay awood ku dhaafaan bar Koontarool.

 

Warar hor udhac ah ayaa sheegayo in qaraxii goordhoweed ka dhacay Ex Control Afgooye uu ahaa mid iismiidaamin ah, loona adeegsaday Gaari Noha ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada amaanka ee ku sugan isgoyska, isla markaana sugayo amaanka dhismaha wadada Ex Control ayaa la sheegayaa in ay gaariga istaajiyeen isla markaana raasas huwiyeen, sidaasna uu ku qarxay.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga magaalada muqdisho

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga