Ciidamada dawladda ay aduunyadu aqoonsantahay ee dalka Yemen ayaa dib u qabsaday magaalada Cadan ee ku taala xeebaha koonfureed ee dalka oo ay horaantii bishan ka saareen gooni u goosato ay markii hore xulufo ahaayeen.

Wasiirka warfaafinta, Mucammar Al-Eryaani, ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad taageersani si buuxda ula wareegeen magaalada oo ay markii hore qabsadeen madaarka iyo qasriga madaxtooyada.

Hase yeeshee mid ka mid ah taliyeyaasha maleeshiyaadka gooni u goosadka ah ayaa sheegay in ay weli gacanta ku hayaan magaalada badankeeda.

Xulafada dawladda ayaa u muuqata qaar is khilaafsan xili ay wajahayaan dagaalka kooxda Xuuutiyiinta oo maamusha caasimadda iyo deegaano kale oo badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga