Dawladda Federeaalka Soomaalia ayaa Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed u Jartay Dalka Ku yaala Galbeedka Qaaradda Africa ee Guinea, iyadoo Soomaaliya Waddankaasi ku eedaysay in ay ku Xadgudbeen Midnimadda iyo Madax Banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-Saxafadedka Waxaa soo saaray Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, isagoo Dawladaha kale uga digay in ay ku Xadgudbaan Madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arintan ay Dawladda Soomaaliya Xidhiidhka ugu Jartay Dalka Guinea ayaa Daba Socota Kadib markii Todobaadka uu Safar ku tagay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Martiqaad Rasmiya ka Helay Madaxwaynaha Waddanka Guinea.

Madaxwaynaha somaliland iyo Weftigiisa ayaa si Meeqaab Saraysa Loogusoo Dhaweeyay Caasimadda Waddanka Guinea ee Conakry.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga