Laba dhakhtar oo uu dhashay dalka  Cuba oo lagu afduubay xuduuda ay  dhibaatadu ka jirto ee Kenya la leeday Soomaaliya , bishii April ee sannadkan  , ayaa la xaqiijiyey in ay nool yihiin sida uu sheegay wasiirka caafimaadka  ee Cuba Jose Angel Portal.

Shir jaraa’id  oo uu ku qabtay  magaalada Havana , ayuu ka sheegay Portal  in Cuba samaynasy7o wax walba sidii dib loogu soo celin lahaa , ma  jiro dalab madax furasho ah oo ka yimi afduubayaasha sida ay ku warameen  qaar ka mida saxaafadu.

  Waxa  soconaya dadaalada lagu sugayo  sii daynta Landy Rodrigues oo ah dhakhtar qaliinka ah   Asel Herrera isna ah dhakhtar cudurada uur ku jirta ah ,  hawsha ayaa wakhti u baahan sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Cuba  Jose Portal , waxa uu intaa ku daray in dawladda Cuba aanay hoos u dhigayn  dadaalka lagu sii daynayo .

Madaxweynaha  Cuba Miguel Diaz-canel , ayaa dhawaan  khadka Telefoonka kula xidhiidhay raga  meeqaamkiisa oo kale ka taagan dalalka Kenya  iyo Soomaaliya Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo  si la isugu duba rido dadaalada dib loogu helo dhakhaatiirta , waxaana  ay u muuqanaysaa in ay afduubeen Al-shabaab ka hawlgasha xuduuda 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga