Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa isaga oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb waxba kama jiraan ku timaamay hadalkii ka soo yeedhay madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee ahaa in dowladdu jabisay qoddobadii lagu heshiiyay.

Wasiirka ayaa warbaahinta u soo bandhigay 10 qoddob oo sida uu hadalka u dhigay dhamaan dowladdu u fulisay sidii loogu heshiiyay, gaar ahaan waxaa uu is dultaagay Wasiir Sabriye qodob ku saabsan isku dhafka ciidamada ka wada qeybqaadanaya sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee keenay in dowladdu ciidamo geyso halkaa.

 Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan qoddobada lagu heshiiyay uu dhinaca Ahlu Sunna u saxiixay hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan. Wuxuu intaa ku daray in ra’iisal wasare Xassan Cali Kheyre dadaalka uu ku bixiyay deegaannada Galmudug marnaba laga laheyn u jeedo gaar ah, balse looga baahan yahay dadka ku dhaqan deegaanka Galmudug in ay gartaan waxa meesha ku jira, isaga oo dhinaca kale ku amaanay Ahlu Sunna in muddo ku dhan 11 sano iyo ka badan wax badan ka soo qabteen nabad-galyada deegaannada Galmudug, balse loo baahan yahay in oo kaliya in wada jir loo shaqeeyo. 

Inkastoo xaalada degmada Dhuusa-Mareeb tahay mid deggan .haddana waxaa wali taagan khilaafka labada dhinac oo aan wax xal ah loo helin, iyadoo madaxda Ahlu Sunna siweyn uga biyo diidan yihiin ciidamada ay dowladdu geysay Dhuusa-Mareeb.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga