Fanaanada somaaliyeed ee Deeqa Aadan Muuse ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadal dood badan dhaliyay oo ay hore u sheegtay.

Badhtamaha sanadkan 2019-ka ayay dalbatay in marka ay dhimato aan la aasin arintaas oo dad badani ay la yaabeen, balse ay wali ku adkaysanayso iyadu.

Deeqa oo loo yaqaano ‘Deeqa Afro’ ayaa sheegtay in qoyskeeda aanay arintani ku noqon layaab.

“Waxaan aad iyo aad ula yaabaa dadka xabaala dadka kale. Mar alle marka uu qofka dhinto waxaad arkeysaa dad sidaa u soo kala ordaya oo majaafado iyo balaayo uun sita. Waxaan ku dhihi lahaa naxariis darada iska daaya”, ayay Deeqa Afro.

Fanaadan ayaa hore u soo saartay muuqaalo si wayn ay uga fal-celiyeen bulshadu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga