Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka danbayso dhibaatooyinka kataagan maamulgoboleedyada waddanka Soomaaliya, isla markaana ay xukuumadda madaxwyene Farmaajo qalalaase iyo dab ku kicinayso guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Mar uu ka hadlayay shirweynaha caafimaadka ee Somaliland ayaa yidhi “dawladii Farmaajo ee laga sugaayay in ay meesha dejiso ee caalamkoo dhammi taageeray, shantii gobolba dagaalbay ku qaaday. Shantoodaba markay dagaal ku qaaday, jaarkana dagaal ayay ku qaadaysaa. Waa shar soo socda ayaan u arkaynaa. Kismaayo ayay ka dagaalamaysaa, Garoowe ayay ka dagaalamaysaa, Dhuusamareeb ayay ka dagaalamaysaa, Xamar ayay ka dagaalamaysaa. Geeska dab ayay ku wadaa way soo gubaysaa, markaa taas ayaanu ka qaylinaynaa”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan dhaliilo xoogan u jeediya xukuumadda Farmaajo oo uu sheegay in ay kasoo horjeedo horumarka Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga