Dawladda Somalia Ayaa Sadexdii Bilood Ee ugu Horaysay Sanadkan Soo Xaraysay Dakhli Ka Badan kii Ay Hore U Sadaalinayeen.

Miisaaniyadda Dawladda Ee Sanadka 2018-Ka Ayaa Gaadhaysa $274.6.000.000. Oo Dollar.

Midowga Yurub Ayaa Sheegay In Dakhligani Yahay Kii Ugu Badnaa Ee Ay Dawladu Rubuc Kamida Sanadkan Ay Kasoo Xarayso Dalka,

Sidoo kale Hay’Addaha Daynta Kuleh Somalia Waxay Shegeen In Qayb Kamida $5.3.000.000 Oo Dollar Oo Dayna Laga Cafin Doono Dawladda Somalia Hadii Dawladu Ay Qaado Talaabooyin Lagu Hayaagjinayo Kobaca Dhaqaalaha Somalia.

Dekadda Magaaladda Muqdisho Oo Ah Isha Ugu Wayn Dhaqaalaha Dawladda Federaalka Somalia Leeday Ayaa Waxaa Sanadkii Lasoo Dhaafay Kasoo Xarooday Dakhli Gaadhaya $78 Milyan Oo Dollar Iyadda Oo Dawladda Somlia Qorshaynayso In Dakhliga Dekadda La Gaadhsiiyo $250 Milyan Oo Dollar Dhamaadka Sanadkan.

Dakhliga Ugu Badan Ee Dawladda Somalia Waxa Uu Kasoo Xaroodaa Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Ayaa Sheegay In Waxa kaliya Ee Maamulka Maaliyadda Somalia Ay Doonayaan Tahay Sidii Ay U Kasban Lahaayeen Deeq Bixiyaasha Caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga