Wafdi Ka Socda Dawladda Qatar Oo Maanta Soo Gaadhay Muqdisho Ayaa Kulan La Yeeshay Ra’Iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Iyaga Oo Labada Dhinac Ka Wada Hadlay Horumarinta Dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maryan Aways Jaamac Ayaa Sheegtay In Ujeedka Wafdiga Ay Aheyd In Daraasad Iyo Kormeer Ay Ku Sameeyaan Dekada Soomaaliya Si Loo Ogaado Dekadaha Dayactirka U Baahan.

Wasiir Maryan Ayaa Sheegtay In Booqashada Wafdiga Qatar Uu Ku Yimid Muqdisho Ay Fursad Wanaagan Oo Dhanka Shaqo Abuurka Iyo Kobaca Dhaqaalaha Ah U Tahay Ummadda Soomaaliyeed, Loona Baahanyahay In Laga Faa’idaysto.

Booqashada Wafdiga Qatar Ka Socda Ay Ku Yimaadeen Muqdisho Ayaa Ka Dambaysay Booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Iyo Wafdi La Socday Ay Ku Tageen Magaalada Dooxa Halkaas Oo Leeskula Soo Af-Gartay In La Fuliyo Mashruucyo Khuseeya Dekadaha Soomaaliya .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga