Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump Ayaa Sheegay In Maraykanku aanu Hadda Qorsheyneyn In Talaabo Laga Qaado Ururka Ganacsiga Adduunka, Hase Yeeshee, Uu Uga Digayo, Isaga Oo Yidhi “Haddii aad Si Wanaagsan Noola Dhaqmi Waydaan, Isla Waxaad Nagu Sameyseen Ayaan Sameynaynaa.”

Trump Isaga Oo Warbaahinta Kula Hadlaya Aqalka Cad, Xili Ay Wada Joogeen Rw Holland Mark Rutte Oo Maraykanka Booqanaya, Ayaa Madaxweyne Trump Uu Ku Celiyey Cabashadiisii La Xidhiidhay Ururka Ganacsiga Adduunka Ee Fadhigiisu Yahay Magaalada Geneva Ee Dalka Switzerland Oo Uu Sheegay In Ururkaasi Maraykanka Si Xun Ula Dhaqmo, Dalkiisana Uu Khasaare Badan Galiyey.

Dhinaca Kale, Saraakiil Ka Tirsan Maamulka Maraykanka Ayaa Diiday Warar Sheegaya In Aqalka Cad Uu Qabyo Qorayo Hindise Sharciyeed Madaxweyne Trump U Ogolaanaya Inuu Isagu Xaddido Heerka Tacriifta, Isaga Oo aan Maraynin Xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka U Yaalla.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga