Safarada duulimaadyada hawada waxa lagu tiriyaa safarada ugu badqabsan ee aadamuhu uu galo dunidan casriga ah, balse wadmada qaar waxay ka mid tahay kuwa ugu khatarta badan.

Waddanka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Koongo waa dalka ugu shilalka badan dhanka hawada marka ay timaado qaaradda Afrika. Waxa ugu danbaysay laba diyaaradood oo bishii hadda dhammaatay ku burburay gudaha waddanka. Mid ka mid ah oo ku dhacday guryo ku yaala magaalada Goma waxa ku dhintay 27 qof, oo ahaa dadkii ku safrayay diyaaradda. Hadaba waa maxay sababtu?

Cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda North Dakota ee dalka Maraykankyu waxay arintan u sababeeyeen dhawr arimood. Mid waa in waddanku aad u balaadhanyahay isla marakaana aanay jirin shuruuc badan oo kala xakamaysa socdaalada gudaha. Arin kale ayaa ah in aanay waddanka Koongo ka jirin jidad isku xidha magaalooyinka waawayn ee waddanka, arintaas oo keenaysa in aad loo isticmaalo diyaaradaha. Koongo waxa sidoo kale laga isticmaalaa diyaarado qadiim ah oo qaarkood aanu badqabkoodu wanaagsanayn, waana sabab kale oo keeni karta shilalka tirada badan ee dhanka hawada.

Guud ahaan caalamka waxa shilal badan dhanka hawada waddanka Maraykanka, balse arintaas ayaa lala xidhiidhiyaa maadaama uu Maraykanku ka mid yahay meelaha ugu mashquulka badan caalamka marka la eego safarada hawada. Mashquulka tirada badan iyo duulimaadyada sida aan xadka lahayn isku dhaafaya ayaana loo sababeeyaa in ay Maraykanka ka dhigto waddanka ugu shilalka badan dhanka hawada. Waxa soo raaca wadamda Ruushka iyo Kanad, Mexico iyo Indonesia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga