Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Glamudug waxa ka socda dedaalo xoogan oo mar kale lagu dhexdhexaadinayo maamulka iyo Ahlku Sunna oo khilaafkoodu xoogaystay, kadib samaynta maamulka cusub ee deegaanada Galmudug. AShllu Sunna waxay walaac ka muujisay hanaanka ay dawladdu u marayso samaynta maamulka Galmudug. Gudida loo xulay hawsha oo ay dawladda federaalku magacawday iyo hanaanka loo dooranayo baarlamanka ayay Ahllu Sunnaa diidantahay.

Xogaha uu talafiishanka SAAB ka helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in dib loo dhigay doorashada hogaanka maamulka, si mar kale ay u heshiiyaan dhinacyadu isla markaana Ahllu Sunna ay ugu qanacdo hanaanka.

Ahllu Sunna waxay rabtaa in ay hesho 35 kursi oo ka mid ah kuraasta baarlamanka cusub, balse dawladda federaalka ayaa diidan in kuraas intaa le’eg ay hesho Ahlu Sunna. Dawladda ayaa wefti u diraty deegaanka waxaana la filayaa in wadahdalada kadib si toos ah loo bilaabo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga