Degmeda Jawhar ee gobolka Shabeelada dhexe waxa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada xooga Soomaaliya iyo kuwa ururka alShabab ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in is-rasaasayn u dhaxaysay labada dhinac ay socotay in muddo ah, iyadoo xoogaga alShabab ay markii danbe ka baxsadeen goobta.

Barkontarool oo ku taala duleedak magaalada ayay dagaalamayasha alShabab weerar ku qaadeen, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladdu. Maamulka deegaanka ayaa xusay in cidianku ay iska caabiyeen ragii weerarka soo qaaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga