Barta Twitter, ee raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed Cali, ayaa lagu baahiyay kharirad muujinaysa dalal kamid ah kuwa geeska Afrika, kuwaas oo ay kamid yihiin Itoobiya, Jabbuuti, Soomaaliya Eriteria, Suudaan iyo Koonfur Suudaan.

Khariiradda, ayaan ahayn mid la qaab ah kuwa loo soo saaro iyada oo Somaliland lagu daray Soomaaliya, balse tan uu Twitter-ka Abiy soo geliyay Somaliland kama mid aha Soomaaliya, inkasta oo aan loo muujin sida dalalka kale, taasoo aan haba-yaraatee loo samayn wax xuduud badeed ah lagana dhigay sidii wax aan jirin oo marka aad loogu sii fiirsado muujin kara midab lamid ah midka biyaha khariiradda muujinaya.

Inkasta oo imika uun lasoo geliyay, haddana arrintan, ayay durba baraha bulshada xiisad ka dhex abuuray oo dadku si wayn u hadal hayaan, xilli dadwaynuhu si wayn u saadaalinayeen in raysal-wasaare Abiy iyo madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo Hargeysa wada iman doonaan, arrintaasi oo xukuumadda Somaliland ay beenisay kuna tilmaamtay riyo-maalmeed.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga