Tirada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya ayaa sii kordhaysa iyadoo la arkayo saamaynta abaarta oo sii badanaysa.

Xog ururintii ugu danbaysa ayaa muujinaysa ku dhawaad hal milyan oo qof oo bilo gudahood ku biiraya 3.5 million oo oqf oo hore ay u samaeeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada dadka ay abaartu saamaysay ay gaadheen 4.3 million oo Soomaaliya gudaha dalka.

Hay’adda Arimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee un ocha ayaa sheegtay in dad ka badan 270,000 oo qof ay ka qaxeen guryahooda iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad ay xoolahoodu quutaan.

Qaramada Midoobay waxay dalbanaysaa adduun kale oo malaayiin dollar gaadhaya, si looga jawaabo xaaladaha jira, loogana hor tago musiibo tan ka badan iyo macaluul dilaacda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga