Maanta oo sabti ah, malaayiin Oromo ah ayaa ku dabaal degaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dabaldegga wayn ee oromada ayaa loo yaqaan Hora Irrecha, kaasoo Oromada isku soo ururtay ay ilaahay ugu mahadnaqaan sannad walba barwaaqa roobka iyo raxmaadka leh.

Muddo kabadan 150 sannadood, ayaa markii ugu horraysay dabaal-deggan  lagu qabanayaa magaalada Addis ababa, iyadoo raysal-wasaaraha dalkaasi Dr. Abiy Axmed Calina uu dhammaan dadka itoobiyanka ah ugu baaqay inay kasoo qayb galaan xafladda, maadaama buu yidhi ay kor u qaadayso midnimada iyo nabadda shacabka itoobiya.

Oromada, ayaa ah qowmiyadda ugu badan ee dalka itoobiya, kaasoo dawlad deegaankoodu uu koonfur ka xigo caasimadda dalka ee Addis ababa, marar badan ayay isku dhaceen xukuumaddihii federaalka Itoobiya, isku dhac dhex maray dad kamid ah qowmiyadda oromada iyo xukuumadda Federaalka Itoobiya, ayaa sababay geerida dad ka badan 52 qof sannadkii hore.

Safaaradda Maraykanka ee Addis ababa, ayaa dadkeeda uga digtay inay ka qayb galaan isku imaatinkan wayn bishii hore.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga