Faadumo Siciid Ibraahim, xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI, ayaa wax laga xumaado ku tilmaatay in labada gole ee sharci dejinta somaliland ay isku raacaan in Somaliland ay ka qaybgasho caleema-saarka madaxweynaha jubbaland.

Xoghayaha, ayaa sheegtay, inaanay jirin sabab ku kalifaysa somaliland inay ka qaybgasho caleemo saarkaas, Waxana ay madaxweynaha ugu baaqday inuu joojiyo in mas’uuliyiin kamid ah dawladdu ay tagaan jubbaland.

Xildhibaanno katirsan golaha wakiillada Somaliland, iyo xisbiga UCID, ayaa hore u sheegay inay ka qaybgeli doonaan caleemo saarka madaxwaynaha Jubbaland, Axmed-madoobe.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka, mar kasta iyo meel kasta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga