Daalibaan waxay soo celisay ciqaabta meelaha ay ka arimiso sida lagu ogaaday baadhitaano cusub oo la sameeyay.

Waa xili ay kooxdu samaysay horusocod baaxad leh iyadoo kala badh wax ka badan la wareegtay gacan ku haynta dhulka reer Afkaanistaan, waxayna jabiyeen ciidamada dawladda oo deegaano badan iskaga baxay.

Baadhitaanada la sameeyay oo laga bilaabay dhulka ay haystaan waxa lagu ogaaday in ciqaabta ay bilawday Daalibaan ay tahay mid dadka danbiyada gaysta iyo kuwo la xidhiidha qaadashada awaamirta Islaamka, sida inĀ  dumarku ay xijaabtaan iyo marka ay safrayaan cidda wehelinaysa.

Dumarka aan si buuxda u xijaabnayn ayaa ciqaab adag la marinayaa dhamaan deegaanada ay qabsatay Daalibaan ee gudaha Afkaanistaan.

Kooxda waxa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ka danbaysay dilka dad qaadan waayay awaamirtooda, inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn cidda Daalibaan ah iyo cidda kale deegaanada ay imika la wareegtay kooxdu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga