Abiy Axmed wuxuu wadaa diyaar garowgiisii ugu danbeeyay isagoo abaabulaya ciidamada ka amar qaata ee federaalka Itoobiya, kuwaas oo uu u jihaynayo dagaal adag oo ay si toos ah ula galaan Tigrayga mitidka ah ee buuralayda ku jira.

Raysalwasaaraha Itoobiya oo khudbadiisii ugu danbaysay jeediyay wuxuu dhammaan shacabka Itoobiya iyo cid kasta oo qoriqaadi kartaba ugu baaqay in ay dagaalka galaan, si loo jabiyo TPLF oo uu ku sheegay fallaago argagixiso ah.

Waa mawqif ay la qabaan maamulada kale oo Soomaalidu ay ku jirot, iyadoo madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya uu hore TPLF ugu sheegay argagixiso.

Tan iyo bishii June dagaalka ayaa kordhay iyadoo ciidamada Tigray ay la wareegeen badi deegaanadii hore looga saaray, halka ay qabsadeen deegaano cusub oo ka tirsan dhulka Canfarta iyo Amxaarada Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga