Ciidamada kooxda Daalibaan ee dalka Afkaanistaan ayaa kusii siqaya deegaano kale iyagoo kala wareegaya ciidamada dawladda.

Deegaanada ku teedsan xadka Pakistan ayay imika gacanta ku dhigtay Daalibaan, welina waxay wadaa duullaanka.

Qaxooti badan ayaa ka cararay guryahooda iyagoo wadamada jaarka ah u qaxay. Dalka Tajakistan ayay gaadheen dad badan oo kooxda dagaalkeeda ka cararay.

Ciidamada Maraykanka ayaa ka baxay meelo badan taas oo Daalibaan u saamaxday in ay dhul ballaadhis sameeyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga