Maamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa hanjabaad culus u diray maamulka Tigrayga ee TPLF kuwaas oo dagaalo hor leh ka wada gudaha waqooyiga Itoobiya.

Amxaarada ayaa ka dalbaday dawladda dhexe in meel loogasoo wada jeedsado duullaanka Tigrayga, waxayna wacad ku mareen in ay dhankooda dagaal toos ah ku qaadi doonaan ciidamada TPLF.

Abiy Axmed ayaa isaguna sheegay in ay joojinayaan xabbad joojintii ay ku dhawaaqeen ee halka dhinac ahayd, wuxuuna xusay in ay dagaal culus ku qaadayaan TPLF.

Ciidamada Tigrayga ayaa dib ula wareegay deegaanadooda iyo dhul kale oo ciidamada Amxaaradu ay ka qabsatay intii uu socday dagaalkii uu Abiy Axmed hogaaminayay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga