Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay sidan:

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu ay ka wadaan deegaannadaas”

Dadka reer Baladwayne, ayaa waxaa si wayn u saamayay fatahaadaha ka dhashay webi Shabeelle, taasoo sababtay inay umadda Soomaaliya iyo bulshada caalamkuba isku guubaabiyaan wax u qabashada dadkaas tabaalaysan ee masiibada dabiiciga ahi soo food saartay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga