Bukaanadii ugu horeeyay ayaa lagu tijaabiyay tallaal dhawaan lagu farsameeyay jaamaacadda Oxford ee waddanka Ingiriiska.

Laba qof oo si mutadacnimo ah u ogolaaday ayaa lagu muday tallaalka. Waxayna hordhac u yihiin illaa 800 oo qof oo lagu tijaabin doono tallaalkan.

Tallaalkan ayay koox ka tirsan jaamaacadda Oxford ay ku farsameeyeen muddo saddex bilood ah.

Mid ka mid ah khubarada gacanta ku haya tallaalka ayaa xustay in ay kalsooni buuxda ku qabto tallaalkan ay sameeyeen.

Kooxda tallaalka ee jaamaacadda oxford ayaa hore ugu guulaystay tallaalka viruska Mers oo ah xanuun-side ka tirsan bahda Coronavirus sida caabqua Covid-19 oo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga