Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Puntland, waxa hadda ka bilaabantay xabbad iyo is-rasaasayn laga maqlayo qaybo ka mid ah magaalada.

Rasaasta ayaa ka bilaabantay meel u dhaw xero ay degenyihiin ciidamada PSF ee maamulka Puntland kuwaas oo cutubyo ka mid ahi ay taageersanyihiin agaasimihii xilka laga qaaday balse diiday.

Waxa la rumaysanyahay in isku dhacyadan ay u dhexeeyaan ciidamada dawladda iyo kuwa daacadda u ah agaasimihii hore ee PSF.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa diiday in uu wareejiyo agaasimaha PSF taas oo keentay in xiisad colaadeed laga dareemo Boosaaso maalmihii tegay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga