Itoobiya waxay furaysaa wada tashi ballaadhan oo la sheegay in lagasoo qayb galin doono dhammaan dhinacyada Itoobiya iyo qaomiyadaha kala duwan ee dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Waxa jirta suurtagalnimada in afti meelaha qaar laga qabto hadii xal loo arko sida uu sheegay masuulka ugu sareeya xukuumadda Abiy Axmed, Redwan Xuseen oo waraysi siiyay wakaalada wararka ee Turkiga.=

Wasiiru dawladaha gaarka ah ee dawlada Itoobiya ayaa sheegay in qorigu aanu mar kasta xal ahayn, balse la furi doono wada hadalo iyo tashiyo gun ballaadhan.

Wasiiru dawluhu wuxuu intaa ku daray in ay furi doonaan dastuurka Itoobiya oo sanado badan uu muran adagi ka taagnaa, si loo xaliyo qodobada mad madawgu uu ku jiro ee qawmiyadaha qaar ay u arkaan in ay dhibaato ku yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga