Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka ayaa guulo ka gaadhay doorashada murashaxnimada ee xisbiga Dimuqraadiga isagoo helay codadka gobolka South Carolina.

Joe Biden ayaa gobolkan kaga adkaaday ninka la tartamaya ee ay isku xisbiga yihiin ee Bernie Sanders.

Waxa hadhay illaa 14 gobol oo kale oo codadka kasoo hoydaa ay kala saari doonaan labada murashax ee ugu cadcad xisbiga Dimuqraadiga.

Qofka soo baxaa wuxuu la tartami doonaa madaxweyne Donald Trump oo doorashada madaxtinimada ee bisha November ay foodda-isku-dari doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga