Afar xubnood oo katirsan xubnaha midowga reer Yurub u metela golaha ammaanka qaramada midoobay kuwaas oo kala ah Belgium, Estonia, Faransiiska iyo Jarmalka oo lagu daray dalka Poland, ayaa iskaga baxay golaha amaanka maalintii Jimcaha iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo isku dhacyada Militari ee ka taagan waqooyi-galbeed Suuriya. 

Isku dhacyada Militari waa in la joojiyaa, waa in la joojiyaa imika, ayaa lagu yidhi bayaan ay si wadajir ah usoo saareen shanta dal kaas oo uu akhrinayay Sven Jurgenson oo ah danjiraha dalka Estonia u qaabilsan xarunta qaramada Midoobey ee New york.

Waxaannu si adag u cambaaraynaynaa weerarkii ka dhankaa ahaa ciidamada Turkiga ee ka hawlgala Idlib, waxaanannu tacsi u diraynaa askartii Turkida ee geeryootay ayaa lagu yidhi bayaanka, waannu garab-taagannahay Turkiga.

Golaha, ayaa muddeeyay kulan-degdeg ah oo lagaga arrinsanayo arrinta gobolka Idlib, oo ah meesha ugu dambaysa ee mucaaradka Suuriya ku xooggan yahay iyadoo ay kulankaasna codsadeen dalalka Belgium, Faransiiska, Jarmalka, Estonia, Britain, the Maraykanka iyo jamhuuriyadda Dominican.

Maraykanka, ayaa taageero u muujiyay dalka Turkiga, kadib weerarka lagu dilay 33 askar Turki ahaa habeenimadii khamiista, Maraykanku wuxuu sheegay inay garab-taagan yihiin Turkiga oo ay ku wada jiraan xulafada NATO, isla markaana ay ka caawin doonaan wax kasta oo uu u baahdo.

Danjiraha Maraykanka u fadhiga golaha ammaanka qaramada midoobay, ayaa Turkiga u sheegtay inay gartaan cidda ah saaxiibkooda dhabta ah, balse Danjiraha Ruushka ee golaha ammaanka qaramada midoobey, ayaa si adag u diiday xabad-joojin ay soo jeediyeen qaar kamid ah dalalka reer Yurub ee golaha ammaanku, isagoo xusay inay ciidanka suuriya xaq u leeyihiin inay goob wal iyo si walba ula dagaallamaan kooxaha kasoo horjeeda.

Xaaladda gobolka Idlib ayaa cirka isku sii shareeraysa, iyadoo malaayiin qofna ay ka barakaceen guud ahaan gobolka, taasoo ay qaramada midoobay ku sheegtay inay ka dhalatay xaalad bini-aadamino oo daran.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga